4 SANO KA HOR MAANTA OO KALE: Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka dhacday xaflad lagu dhaariyay xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee xilligiisu maanta ku dhammaanayo.
Xildhibaanada oo dhaar safsaf ah maray, waxay ahayd maalin taariikhda gashay inkastoo muran badan iyo jiitan hareeyay qaabka soo xulidda Baarlamaanka, waxaa maanta oo laga joogo mudod 4 sano ah ay xaaladu mareysaa in lagu fashilmay soo xulidda ama doorashada Baarlamaankii bedeli lahaa Baarlamaanka 9aad ee hadda jira, taasoo caddeyn u ah in dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ay ku fashilantay fulinta qodobkii ugu weynaa ee isbedelka dowladaha.
HOOS KA DAAWO, KANA AKHRISO WARKII GOOBJOOGE.COM KA QORTAY MAALINTAASI


Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa markii ugu horeysay la dhaariyay 20 August, 2012, waxaana lagu dhaariyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib u dhac iyo jiitan badan oo ka dhashay xulista xubnaha baarlamaanka iyo shuruudo loo dhigay inay buuxiyaan xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub.
Xildhibaannada la dhaariyey waxay 20 August tiradoodu gaartayaa 211 xildhibaan waxaa xildhibaannada dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Avv. Ceydiid Cabdullahi Ilka-xanaf.
Kadib dhaarinta guddoomiye KMG ah loo xulay qofka ugu da’ weyn oo noqday General Muuse Xasan Cabdulle oo xilka sii heyn doono inta laga dooranayo guddoomiye iyo guddoon rasmi ah.





Goobjooge.com