Nin hubeysan ayaa weerar ku qaaday Baar lagu caweeyo oo ku yaala magaalada Istanbul ee dalka Turkiga iyadoo lagu dilay 39 qof, laguna dhaawacay 69 kale.
Ninka weerarka qaaday oo lagu tilmaamay argagixiso ayaa weli ciidamadu ku raad joogaan, iyadoo aan la ogeyn in dabley kale ku lug leeyihiin, waxaana wasiirka arrimaha gudaha Turkiga uu sheegay Suleyman Soylu in lagu raad joogo oo gacanta lagu soo dhigi doono.
Weerarka oo lagu qaaday xarunta Reina, ee deganka Ortakoy, oo ah meel ay degan yihiin dadka tujaarta ah, waxaa dadka la dilay ka mida 16 qof oo ajnabi ah. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in nin hubeysan gudaha u galay goobta lagu caweeyo isagoo ku lebisnaa dharka dabaaldega ciidaha masiixiga. Kadibna wuxuu si arxan daro ah rasaas ugu furey dadkii meesha ku jiray.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa goobta baaritan ku sameynaya ayadoo gawaarida gurmadka degdega ahna ay ku sugan yihiin goobta weerarka u ka dhacay.
Boqolaal qof ayaa ku sugnaa goobta lagu caweeyo xilliga weerarka uu dhacayay halka qaar ka mid ah dadkana ay biyaha badda isku tuuren cabsi daradeed taasoo qasabtay in lasoo badbaadiyo.
Goobjooge.com