Thursday, June 26, 2025

5 Nin oo loo heysto Kufsi & Dilka Haweeney uur lahayd oo Maxkamad lagu soo taagay Magaalada Garowe..

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Maxkamadda Darajada koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa maanta dhageysatay dacwadii ugu horeysay ee Kiiska haweeney la kufsaday, lana filay oo lagu magacaabi jiray Hodan Axmed Shanlayste.

Waxaa Maxkamadda la hor-keenay 7 Nin oo ku eedaysan kufsigii iyo dilkii marxuumad Hodon oo 11-kii Apriil 2019 Garowe falkan loogu gaystay magaalada Garowe, iyadoo ahayd haweeney xaas ah, waxaana dacwadda dib loo dhigay ilaa muddo toddobaad ah, la iskuna soo laabto 22-ka bishaan Febraayo.

Marxuumad Hodan Axmed Shanlayste ayaa ahayd hooyo xaas ah oo lagu weerarray gurigeeda, waxayna lahady uur, iyadoo ifka uga tagtay tagtay wiil laba caruur ah oo kala ah wiil iyo gabar.

Dhinaca kale Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Nugaal magaalada Garowe ayaa maanta xukun ku riday nin lagu helay inuu kufsaday Gabar aan weli guursan oo bikaaro ah, waxayna maxkamaddu ku xukuntay 5-sano oo xabsi ah, $1000 Dollar oo ganaax ah iyo inuu uu bixiyo meherkii gabadha.

Kiisaska Kufsiga ee degaanada Puntland ayaa sii kordhaya, iyadoo dhowaan magaalada Boosaaso lagu toogtay laba rag ah oo ka mida ahaa 3 qof oo lagu helay dilka iyo kufsiga gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON