Friday, June 27, 2025

5 qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday Garoonka Diyaaradeed oo ku yaala Mareykanka

Shan qof ayaa lagu dilay rasaas uu furay qof weerar ku qaaday garoonka Fort Lauderdale ee Florida, dalka Mareykanka.

Rasaasta ayaa lagu furay terminalka labaad ee garoonka, iyadoo  ay ku sugnaayeen boqolaal dad ah oo doonayay inay dhoofaan, waxaana halkaasi ku dhintay 5 qof iyadoo qofka falkaasi lagu tuhmay ay qabteen Booliska.

Gaadiidka Booliska, baabuurta gargaarka degdega ah iyo ciidamo fara badan ayaa garoonka tegay iyadoo waqti kooban ka hakiyay dhaqdhaqaaqii garoonka.

13 qof ayaa ku dhaawacmay falka weerarka ee lagu qaaday garoonka Fort Lauderdale ee Gobolka Florida. Dadkii safarka ahaa ayaa ka yaacay garoonka iyadoo xaalad cabsi iyo kala carar ah ay ka dhacday garoonka.

Booliska ayaa sheegay in ninka falkan ku kacay uu u muuqdo qof iskeed tallaabada u qaaday aan cidna ku xirneyn, waxaan socda baaritaanka lagu hayo ninka weerarka geystay ee booliska ay gacanta ku dhigeen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON