Wednesday, June 25, 2025

50 lagu dilay Weerar Culus oo Alshabaab ku qaaday Ciidamada Puntland ee Gobolka Bari

In ka badan 50 qof oo isugu jira ciidamada Puntland iyo al-Shabaab ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar culus oo saaka waabarigii maleeshiyo hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab ay ku qaadeen xero ay leeyihiin ciidamada Puntland oo ku taalla gobolka Bari.

Weerarkan oo bilowday afartii aroornimo ayaa waxay maleeshiyadu gudaha u galeen xerada tuullada Af urur oo 105 km koonfur galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in in ka badan 50 qof ay dhinteen oo labada dhinac ka tirsan kuwaasi oo wali maydkoodu haatan yaallo goobtii lagu dagaallamay.

Dadka dhintay waxaa ku jira saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada daraawiishta ee Puntland.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in 61 askari ay ka dileen maamulka Puntland, dhinaca kale, maamulka Puntland ayaan wali wax war ah ka soo saarin dagaalka ka dhacay xerada Af-Urur.

Cisbitaalka degmada Carmo ayaa waxaa la sheegayaa inay la gaarsiiyay in ka badan 20 askarta Puntland ka tirsan oo dagaalka ku dhaawacmay

SourceVOA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON