Sunday, June 22, 2025

63 jir Caddaan ah oo Qarax is-miidaamin ah ka fuliyey Mareykanka iyo sabab yaab leh oo ku dhalisay..

Kadib baaritaan saddex maalmood socday ayaa lagu ogaaday in Nin caddaan ah oo 63 sano jir ah uu isku qarxiyay magaalada Nashville ee gobolka Tennessee, dalka Mareykanka.

Hay’adda denbi baarista Mareykanka ee FBI ayaa shaacisay ninka is qarxiyey oo lagu magacaabo Anthony Quinn Warner, waxaana la ogaaday inuu ninkan ku dhex baaba’ay Gaari uu soo dhigay meel u dhow dhismaha Shirkada AT&T ee magaalada Nashville, halkaasoo uu beegsaday.

Wararka ayaa sheegaya in is-miidaamiyaha caddaanka ah uu aamisanaa fikrad yaab leh oo ah in adeegga internet-ka ee 5G uu dadka dilo, ayna dad badan u dhinteen, arrintaas oo ah fikrad khuraafaad ah oo dadka qaarkiis qabaan, waxaana qoraaladiisa laga helay in marka uu qaraxan fuliyo dadku u aqoonsan doanaan inuu yahay Geesi.

Ad

Qaraxa weyn ee uu geystay 63 sano jirka Anthony Quinn ayaa si weyn u burburiyey dhismooyinka goobta uu beegsaday ee bartamaha magaalada Nasville, waxaana gebi ahaan la waayey isgaarsiintii magaalada iyo adeegii Internetka oo muddo ka maqan dadka magaaladaasi ku nool.

Aabaha ninkan Anthony Quinn oo lagu magacaabo ayaa u shaqeyn jiray shirkad yar oo ka tirsan AT&T, wuxuuna u dhintay cudurka Dementia ee ogaalka waxyeela, waxaana geeridaasi uu ku eedeynayaa Qalabka shirkadda AT&T.

Adeegga 5G ayaa warar badan laga faafiyey iyadoo mar la sheegay inuu Shiinuhu ku basaasayo dalalka reer Galbeedka, waxayse hadda mareysaa in dadka qaarkii aaminaan inuu wax dilo oo loo dhinto.

- Advertisement -
Nashville bomber: Police identify Anthony Quinn Warner as Nashville bomber  - CNN Video

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON