Friday, July 4, 2025

XOG: Farmaajo oo sii dheereystay socdaalkiisa dalka Qatar & Qorshe loo degay Madaxda Maamul Goboleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho ku joogay dalka Qatar ayaa sii dheereystay socdaalkiisa oo markii hore la sheegay inuu qaadanayo laba maalmood.

Arrintan ayaa xogta la helay sheegeysaa in ujeedka madaxweynaha ay tahay inuu ka baaqsado shirka amniga ee madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ku yeelan lahaayeen magaalada Baydhaba, isagoo qorseheynaya inuu shir kale u aado dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ah kusimaha Madaxweynaha ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Baydhabo si uu uga qeybgalo shirka, isagoo metelaya madaxweynaha, kana qeyb galaya shirka Amniga ee dowladda Federaalka iyo maamul Gobileedyada.

Lama oga in madaxda maamul Goboleedyada ay aqbali doonaan arrintan, iyagoo sugayey inay shirka kala soo qeyb galo Madaxweyne Farmaajo, waxaana culeys weyn saaran yahay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo la sheegay inuu doonayo inuu si degdeg ugu laabto Garowe, kadib dagaalka ka qarxay degaanka Tukaraq.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON