Tuesday, June 24, 2025

7 ka mida Taliyeyaashii Saldhigyada Booliska Degmooyinka G/Banaadir oo xilalkii laga qaaday

Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xilalkii ka qaaday taliyeyaasha 7 ka mida saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir xilli amniga Muqdisho su’aalo badan la iska weydiinayo.

Sida ay xaqiijiyeen wararka laga helayo Taliska Booliska ayaa sheegay in xilalkii laga qaada taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Degmooyinka Kaxda, Waaberi, Wardhiigley, Xamar jajab, Heliwaa, Shibis iyo Dharkeynley.

Wararka ayaa sheegay in taliyeyaasha cusub ee la magacaabay ay yihiin saraakiil saraakiil dhalinayaro aqoonyahana oo Booliska ku biiray, iyadoo tababar saraakiil loogu qaaday dalal ddibadda, kuwaasoo qaarkood hore loogu magacaabay saldhiyada Muqdisho qaarkood.

Isbedellkan ayaa imaanaya iyadoo amniga magaalada Muqdisho uu sii xumaatay maalmihii ugu dambeeyay, isla markaana ciidamda Booliska lagu wareejiyay caasimadda Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON