7 Ruux oo 5 ka mida ay isku qoys tahay ayaa xalay ku geeriyooday Dhisme qadiimi ah oo kusoo dumay guri ay ku noolaayeen dad shacab masaakiin ah, kadib markii daadadkii ka dhashay roobkii xalay ka da’ay Muqdisho uu sababay shilkani.
Dadka dhintay ayaa deganaa xaafadda Ceel-qalow ee degmada Wadajir, waxayna kala ahaayeen: afar caruur ah oo laba wiil iyo laba gabdhood iyo ayeeyadood, waxayna caruurta da’doodu kala ahayd: 4 ilaa 13 sano jir.
Dhinaca kale aabaha caruurtaasi ayaa dhaawac soo gaaray, waxaana sidoo kale waxaa isla xaafadaasi ku dhintay laba qof oo kale oo sababsaday waxyeelo ka dhalatay roobabkii xalay ka da’ay caasimadda Muqdisho.
Wadooyinka Muqdisho ayaa intooda badan biyuhu gooyeen, waxaana go’doomay xaafado badan oo biyuhu galeen, iyadoo ay barakaceen dad dan yar oo ku noolaa xaafadaha isku rarranka ah ee magaalada.
