Dagaal beeleedyo aan hore loo arag oo dad badan lagu laayey ayaa ka socda Gobollo ka mida Koonfurta Soomaaliya, xilligan oo dunida ay dagaal kula jirto cudurka COVID-19 e uu sababo Coronavirus.
Dagalladan oo ka bilowday aano qabiil iyo dhul la isku heysto ayaa ka socda Gobollada Jubbada Hoose, Sh/Hoose, Bay iyo Galgaduud, waxaana lagu dilay caruur iyo haween badan oo qarkood guraha lagu gubay, laguna soo bandhigay baraha bulshada, taasoo noqotay wax aan hore loo arag.
Tirada dadka la dilay marka lagu dro dagaalka dib uga qaxay Galgaduud waxaa laga yaabaa inay ka badan tahay 100 qof, waxaana weli shaqeyn la’ dadaallo aan xoog badan la gelin si loo joojiyo dagaalladaasi.
WANLAWEYN, SH/HOOSE
Waxaa ku dagalamaya beelaha Shanta caleemood iyo Gaaljecel- waxayna labadan beelood iska laayeen dad ka badan 25 qof, dadka waxaa ku jira caruur, haween iyo dadka Biri-mageydo ah.
KISMAAYO, J/HOOSE
Dagaalka ka scda Galbeedka Kismaayo wuxuu dhex marayaa beelaha Cowrmala iyo Majeerteen, isagoo salka ku haya lahaansho degaan iyo boob dhul, waxaana lagu soo warramayaa in lagu dilay dad ka badan 35- 40 qof.
DIINSOOR, BAAY
Dagaalkan oo qaab maamul ku bilowday, wuxuu salka ku hayaa khilaaf u dhaxeeya Guddoomiyaha degmada Diinsoor iyo ku xigeenkiisa, wuxuuna u xuub siibtay dgaal beeleed oo lagu dilay dad ku dhow 10 qof.
GALGADUUD
Dagaalkan oo dib u soo cusboonaday labadii maalmood ee ugu danbeysay wuxuu u dhaxeeyaa Beelaha Saleebeen iyo Mareexaan, waxaana ku dhintay ku dhowaad 10 qof saacadihii ugu danbeeyay, iyadoo dhaawacu ka badan yahay 25 kale.
Arrimahan waxay muujinayaan in Soomaalidu duni kale ku nooshahay oo aysan jirin wax lagu micneyn karo in xilligan Dhul boqolaal sano la wada deganaa la isku dilo.