Dagaal toos ah iyo qaraxyo ka dhacay Gobolka Gedo ayaa dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo dhex maray cidiamada dowladda iyo Alshabaab.
Sida wararku sheegayaan dagaal qaraar oo dhex maray ciidamada Dowladda, Alshabaab iyo Alshabaab oo ka dhacay Tuulada Suriyo ee duleedka Buurdhuubo.
7 qof ayaa ku dhintay dagaalka, halka ay 15 kale ku dhaawacmeen dagaalkaasi oo la soo weriyay in ciidamada dowladda iyo ciidamada AMISOM ee Itoobiya ay la wareegeen degaankii lagu dagaalamay.
Dhinaca kale qarax miino loo adeegsada oo ka dhacay Magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ku dhintay askari iyo canug yar, iyadoo 5 kale lagu dhaawacay.
Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay ciidamada dowladda ku ku sugnaayeen, waxaana kadib goobta ka dhacday rasaas ay fureen ciidammadu dhimasho sababtay.
Goobjooge.com