9 qof ayaa lagu dilay, 16 kalena waa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday magaalada Dayton ee Gobolka Ohio, saacado kadib markii nin Hubeysan uu gobolka Texas ku laayey in ka badan 20 qof.
Saqdii dhexe kadib xlliga Ohio ayuu falkan dhacay degmada Oregon sida ay sheegeen Booliska waxaana geystay nin dabley ah oo aan weli magaciisa la sheegin, kaasoo booliska ay toogasho ku dileen, waxaana goobta rasaastu ka dhacday lagu arkayey Boolis badan oo gaaray iyo dad laga soo badbaadinayo.
Hubka faraha badan ee yaalla gudaha Mareykanka oo dadku sharci u heystaan inay iibsan karaan ayaa sababa falalka toogashada ah ee dadka caadiga ah ku kacaan, waxaana arrintan ay tahay dood weyn oo ka taagan gudaha Mareykanka.