Friday, April 19, 2024

Madaxda Dowladda marka laga reebo Madaxweynaha oo ka qeyb galay Aaska Marxum Yariisow [Sawirro]

Madaxda dowladda Somalia ayaa dhammaantood ka qeyb galay aaska qaran ee maanta magaalada Muqdisho loogu sameeyay Guddoomiyihii G/banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxda Golayaasha Xukuumadda, Baarlamaanka labadiisa Aqal, wasiirada, xildhibannada Baarlamaanka iyo maamulka G/banaair ayaa ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle uga qayb galay salaaddii janaasada Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow).

Salaadda janaasada kadib ayaa loo qaaday Meydka Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ku sugnaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh iyo Cabdi Xaashi C/llaahi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Mudaneyaasha Baarlamaanka, Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Muqdisho.

Ad

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku laabta xarunta madaxtooyada markii uu Garoonka Muqdisho uga qeyb galay janaasadda Marxuum Yariisow, iyadoo la sheegay in xaalad amni aanu u tegin Goobta Aaska ka dhacayey ee Dugsiga Sare ee Booliska Jen. Kaahiye.

SALAADII JANNAADAHA EE GAROONKA & SOO DEJINTA MEYDKA MARXUUMKA

Aaska xarunta Dugsiga Sare ee Booliska

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON