Monday, July 14, 2025

Abwaankii caanka ahaa ee Sangub oo ku Geeriyooday dalka Itoobiya

Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Allaha u naxariistee Abwaankii weynaa we Soomaalida Maxamuud Cabdullahi Ciise Sangub uu maanta ku geeriyooday Magaalada Adis ababa ee Dalka Itoobiya.

Abwaan Sangub ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay Magaalada  Muqdisho, iyadoona dhawaan loo qaaday Dalka Itoobiya. Iyadoo warar kala duwan kasoo baxeen sababta loo geeyay dalka Itoobiya.

Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise oo loo yaqaanay Sangub,kaas oo ka mid ahaay Abwaaniinta ugu caansan dhulka Soomaalida. Abwaanka ayaa Addis loo geeyay Arrimo Caafimaad , kadib xanuun muddo hayey.

Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub ayaa ka mid ahaa Abwaaniinta Hobolada Waaberi, waxaana uu sameeyay Riwaayado iyo Heeso badan oo hirgalay,waxaana uu ka mid ahaa Abwaaniinta ugu caansan dhulka Soomaalida.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub ayaa sanadkii 1944 ku dhashay baadiyaha Magalaada Dhagaxbuur ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxana fanka uu ku bilaabay yaraantiisa,isaga oo ka bilaabay Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka iyo dhaantada, waxana sidoo kale uu ahaa Gabyaa caan ka ah Soomaalida.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON