Tuesday, June 24, 2025

Kenya oo noqotay Dowladda kaliya ee ka qeyb galeysa Caleemo saarka Axmed Madoobe

Dowladda Kenya ayaa wafdi u direysa magaalada Kismaayo si ay uga qeybgalaan caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland ee dib loo doortay Axmed Maxamed Islaam Modoobe.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda  Baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban ku dhawaad 40 qof ay ka qayb galayaan Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ee lagu wado inay ka dhacdo magaalada Kismaayo, wuxuuna metelayaa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Wuxuu sheegay inuu wafdi culus u hogaamin soo Kismaayo oo ka qeyb geli doono caleemo saarka Axmed Madoobe oo ay dowladda federaalka sharci darro ka dhigtay dib u doorashadiisa.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli dowladda Kenya ay gacan ka geysatay diyaaradii jebisay xayiraadii dowlada Somalia saartay garoonka magaalada Kismaayo.

.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON