Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si hoose oo maxali ah uga jawaabtay warbixin uu Wargeyska caanka ah ee New York Times ka qoray madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/laahi Farmaajo.
Qoraalka Wargeyska ayaa ahaa mid xasaasi ah oo bannaanka soo dhigay hab-dhaqankii Maxamed Farmaajo intii uu ku noolaa dalka Mareykanka, sida:
1- Inuu isku dhejiyey Kursiga urur ay lahaayeen Jaaliyadda Soomaalida ee degaanka Buffalo (New York) oo uu sababay inay kala qeybsanto Jaaliyadii, isaguna uu kursigaasi kusii fadhiyo markii uu dhammaaday xilligiisa.
2- Inuu heystay dhalashada dalka Canada oo qoyskiisa ay deganaayeen.
3- Iyo Inuu Baasaboorka Mareykanka u celiyay sabab la xiriirta baaritaan lagu hayey dhaqaalahas oo gala.
Arrimahan oo dhan oo qaarkood hore loo ogaa, qaarna ay kashiftay New York Times waxay si cad bannaanka usoo dhigeen qofka uu yahay Madaxweynaha afartii sano ee u danbeysay Soomaaliya ka talinayey oo wax ku soo bartay dalka Dimoqraadiga ah ee Mareykanka, waxaana dad badan isu qaban waayey sida Farmajo uu kursiga isugu dhejiyey ilaa uu gaaray inuu 2 sano ku darsaday, kadibna uu qalalaase ka dhaliyay caasimaddii.
Haddii warbixinta New York Times ay been ahayd ama ay khaladaad ku jireen, Jawaabta laga filayay Farmaajo ama shaqaalaha Madaxtooyada waxay ahayd sida soo socota:
1- Inuu markii hore ka jawaabo xiriirka ay la soo sameeyey Wargeyska, iskana difaaco su’aalaha la weydiin lahaa.
2- Inuu la xiriiro wargeyska kadib faafintii warbixinta oo si toos ah ula hadlo, wareysina siiyo.
3- Inuu Farmaajo qoro qoraal jawaab ah oo uu isku difaacayo, kuna soo bandhigayo caddeymo la xiriira arrimaha looga been sheegay ama la marin habaabiyey ee ku jiray warbixinta, iyadoo lagu soo qori lahaa isa wargeyska.
4- Iyo inuu si furan ula hadlo saxaafadda oo ka jawaabo arrimihii ku jiray warbixinta Wargeyska ugu caansan dunida.
Intaas oo dhan ma dhicin, laakiin maalmo kadib afhayeenka madaxtooyada C/rashiid M. Xaashi ayaa wareysi siiyey BBC-da Af-soomaaliga ee BBC-da, isagoo beeniyey qoraalka ay Farmaajo ka qortay New York Times, kadibna wuxuu wareysi muuqaal ah oo kaas la mida siiyey Telefishanka maxaliga ah ee Dalsan.
Jawaabta Madaxtooyada waxay muujisay inaysan si hoose oo maxali ah, kuna kooban dadka Afsoomaaliga ku hadla ku koobeen jawaabta, halka laga sugayey inay gaarsiiyeen caalamka iyo boqolaalka milyan ee uu gaaray qoraalka NYT; taasoo caddeyn u ah inaysan heyn wax lagu difaaco Maxamed Farmaajo.
Saddexda arrimood ee uu kashifay Wargeyska waxa kaliya oo ka jawaabi kara Maxamed Farmaajo, sababtoo ah waa kuwo shaqsi ah oo xasaasi ah, badankoodna waqti hore dhacay; mana ogaan karo qof aan ahayn cidda laga hadlayo, waana sababta keenay inay madaxtooyada Af-soomaali ku difaacdo Farmaajo.

