Taageerayaasha madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa xalay fowdo iyo qalalaase ku joojiyay doorshada kursi ka tirsan Aqalka Sare ee laga soo doorto Hirshabeelle, kadib markii ay u baqeen inuu haro musharax ay wateen.
Arrintan ayaa timid, kadib markii musharaxii ay wateen u baqeen in lagu reebo wareegga koowaad, waxayna ku qamaameen goobtii doorashada ka socotay, iyagoo ku qeylinaya inaysn aqbaleynin Doorashada oo aysan aqbaleynin ihaano, ayna dumi doonto Hirshabeelle.
Musharax Cali Shacbaan Ibraahim oo uu watay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa wareegii koowaad ka hela 28 cod, iyadoo ah horeeyeen Cabdalla Cabdi Xuseen oo hela 29 cod iyo C/qaadir Xanafi Sheekh oo helay 35 cod, taasina waxay keentay fowdo inay joojiyaan Doorashadii socotay wareegga koowaad.
Mid ka mida ilaalada Yuusuf Dabageed ayaa la sheegay inuu mas’uul ka ahaa daminta korontadii Hool ay Doorashadu ka socotay, waxaana saddex xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle lagu eedeeyay inay fowdada kiciyeen.
Kulan ay xalay yeesheen madaxweynaha Hirshabelle, guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada Doorashada ee Dowlad Goboleed iyo Federaal ayaa looga dooday dhacdadii Kursiga Beesha Xawaadle, iyadoo la iskula meel dhigay tallaabada la qaadayo.
Xildhibaannada qaska abuuray ayaa la sheegay in laga reebayo ka qeybgalka Doorashada, isla markaana go’aan laga soo saarayo arrintooda oo guddiga Baarlamaanka Hirshabeelle maanta ka shiri doono arrintooda.
Waxaa kaloo wararku sheegayaan in doorashada kursiga muranka dhaliyey ay halkiisa ka socon doonto, isla markaana sidoo kale la dooran doono labada kursi ee kale oo harsan oo mid ka mida si weyn la isugu hayo.
Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle ayaa ahayd mid ka duwan doorashooyinka kale ee maamul Goboleedyada, waxaana loo furay dhammaan musharixiinta doonaya inay tartamaan, taasoo ka dhigtay mid xiiso leh oo si weyn loogu loolamo.
