Sunday, June 22, 2025

Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

-

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud khudbada uu maanta u jeediyay labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya si guud waxa uu u caddeeyay aragtida Dowladda ee hishiiskii (Is-Afgarad) ee ay kala saxiixdeen Hogaamiyaha waqtigiisu idlaaday ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo RW Itoobiya Aby Ahmed isaga oo carrabka ku adkeeyay in ay jirin cid bixin karta taako dhuleed oo ay Soomaaliya leedahay hadeey tahay Madax Maamul Goboleed iyo hadeey tahay Madaxda Dowladda Federaalka.

Marka laga soo tago go’aankii xukuumadda ee ay ugu yeertay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Addis Ababa, hishiiska baadilka ah ee shalay dhacay sida uu u saameyn doono xiriirka siyaasiga ee labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya Madaxweynaha ma sheegin iyo tallaabta xigta ee ay dowladdu arinkan ka qaadan doonto.

Madaxweynuhu sooma hadal qaadin kulankii Jabuuti ku dhexmaray isaga Muuse Biixi maalin ka hor hishiiska Addis lagu kala saxiixday inuu ogaa oo lala wadaagay iyo in ay la yaab ku noqotay oo uu ahaa Shirqool iyo raad tirasho Muuse Biixi u gaar aheyd.

Hadal jeedinta maanta waxa ay Madaxweyne Xasan Shiikh u noqon kartay fursad uu bulshada Soomaaliyeed uu ku mideeyo uuna ku tuso daciiftinimada Aby Ahmed iyo caqabadaha ka jira Itoobiyada kala qeybsan dhexdeeda ee uu doonayo inuu indhaha dadkiisa ka weeciyo ,isuguna muujiya inuu yahay halyay.

- Advertisement -

Waxa dhanka kale jira hishiiyo Is-Afgarad oo Xukuumadda FS ay had iyo jeer gasho oo aan la hor keenin Gollaayasha sharci-dajinta. Bisha hadda inaga dhamaatay ee Disember Wasiiradda Gaashaandhigga ee dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya waxa ay kala saxiixdeen Hishiis Is Afgarad kaas oo Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay ku sheegaty in lagu xoojinayay iskaashiga difaaca iyo dadaalada wadajirka ah ee kor loogu qaadayo Nabadda iyo Amniga Geeska Afrika.

Waxa Xukuumadda ay horey u ansixisay hishiis ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta .Hishiiyo kale oo waxa jira ay galeen wasaarado xukuumadda ka tirsan kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed aan laga siin wax macluumaad ah.

Soomaalidu waxa ay tiraahdaa wax la qariyo qurun baa ku jira ,xalaalna maalin cad baa la quutaa . Hadii uu jiro hishiis ay dan ugu jirto Soomaali banaanka waa in la soo dhigaa ,shacabkuna wuu taageerayaa wixii wanaag ah.

W/Q: Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Mareykanka oo Duqeyn culus ku qaaday Xarumaha Nukliyeerka IRAN, kuna biiray dagaalka Israel

Mareykanka ayaa toos ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, kadib markii ay xalay dilli danbe Diyaaradaha dagaalka ee  xambaara bambooyinka tankooda weyn...

Ciidamada Dowladda iyo AUSSOM oo AS dib uga qabsaday degaanka Sabiid iyo Caanoole ee Sh/Hoose

Ciidamad Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamadda AUSSOM ee Uganda ayaa maanta la dib ula degaanada abiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose oo hore...

Sanbaloolshe oo dib ugu soo laabtay Xildhibaannada Golaha Shacabka (Maxaa ka dhacay Jowhar?)

Agaasimihii xilka laga qaaday ee hay’adda NISA Cabdullahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa mar kale maanta dib u soo ceshaday helay kursigiisi xildhibaannimo, kadib doorasho si...

Akhriso: Labada Qodob ee Shirkii Wadatashiga Qaran ku taageeray Qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh

Waxaa Maqribnimadii caawa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka wadatashiga qaran ee madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqay ee socday, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed.Shirka...

20 ka mida Taliyeyaashii Sare ee Ciidamada Iran oo lagu dilay Weerarka Israel ku qaaday

Israa’iil ayaa waaberigii hore ee Jimcihii weerar culus ku qaaday dalka Iran, gaar ahaan goobaha nukliyeerka iyo saldhigyada milatari dalkaasi”Weerarkan oo lama filaan ahaa,...

Dowladda Somaliya oo Q/MIdoobay ka dalbatay in la kala diro kooxda Beesha Calamaka ee C6+

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in  la kala diro kooxda Beesha caalamka ee loo yaqaan C6+.Qoraal rasmi ah Wasiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOGAHA QARSOON

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

Siciid Dani iyo Axmed Madoobe oo is-afgarad ku gaaray dalka Imaaraadka Carabta, kuna soo jeeda…

Wararka laga helayo Dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ay is afgarad ku...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you