Sunday, June 22, 2025

Sarkaal ay Alshabaab ku dhex lahayd mas’uuliyiinta Degmada Afgooye oo la xukumay

Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka Sida ayaa xabsi dheer ku xukuntay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Dowlada Hoose ee Minishiibiyada degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Kormeere Koowaad Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) ayaa lagu xukumay 10 sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay inuu muddo 7 sano ah ka tirsanaa, lana shaqeynayay qeybta istidlaaca (Sirdoonka) alshabaab, una qaabilsanaa bixinta xogaha saraakiisha, shaqaallaha iyo maamulka degmada Afgooye.

Ninkan ayaa xilal kala duwan ayuu kasoo qabtay maamulka degmadda Afgooye, wuuxuna ciidanka dowladda hoose qortay 2005, balse wuxuu Alshabaab ku biiray sanadkii 2017, isagoo si toos ah ugu xirnaa madaxii amniyaadka gobolka Shabeellaha hoose.

Ad

Daahir Garboole ayaa lagu soo eedeeyay inuu gudbin jiray xogaha iyo dhaqdhaqaaqyada maamulka iyo saraakiisha amniga degmadda Afgooye, kana qeyb qaatay shirqoolkii lagu dilay guddoomiye ku xiggeenkii hore ee amniga degmadaasi Xuseen Jibriil August 2022.

Mas’uuliyiinta uu xogtooda siiyay Alshabaab waxaa ka mid ahaa Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage xilli uu kormeer shaqo ku tagey xerooyinka Ciidanka Xoogga ee Afgooye.

Ciidamada hay’adda NISA ayaa Daahir Garboole ka qabtay degmada Afgooye 15-kii Oktober 2023, kadibna baaris lagu sameeyay ayaa lagu helay inuu ka tirsanaa Alshabaab.

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta ku xukuntay Ex Kormeere Koowaad dowladda hoose Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) 10 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON