Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa si weyn u weeraray xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo warbixin been ah u qora Beesha caalamka.
Wasiirka oo maanta ka hadlayay shir ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in dadka ka xun horumadka dowladnimada uu ka mid yahay nin xildhibaan ah oo lagu magacaabo Abiib (Dr. C/llaahi Xaashi Abiib), wuxuuna ku tilmaamay inuu ceeb ku yahay Qaranka.
“Nin xildhibaan sheegta oo Abiib la yiraahdo oo ceeb ku ah Qarankan ayaa wuxuu u diray hay’adda isagoo u sheegaya in Lacagtii ay direen markii koowaad in lagu takri falay, wuxuu rabay inuu dhaawac Qaran geysto, balse waxaa loogu jawaabay inaan weli wax lacag ahba la loo sii deynin Dowladda federaalka” ayuu yiri Wasiir Biixi oo tusaale xun u soo qaatay xildhibaankan.
Ujeedka dadka uu ka mid yahay xildhibaan Dr. C/llaahi Abiib ayuu sheegay wasiirka inaysan ajaun toosin ee ay tahay in Qaranka lala dagaalamo, iyadoo la ogyahay dadaalka ay dowladda Federaalka gelisay in taakulada la siiyo Hay’adaha dowladda lasoo mariyo dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda ayaa xildhibaan C/llaahi Abiib ku eedeeyay in wax kasta oo uu sheego yihiin waxba kama jiraan, isagoo soo jeediyay in lagu baraarugo dadka noocaasi ah, sida uu yiri.