Sunday, June 22, 2025

Dr. Xasan Muungaab oo loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir (Akhriso Taariikhdiisa)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shheekh Maxamuud ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir, isagoo mar kale xilkaas u magacaabay Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu yiri: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa u magacaabay Mudane DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho”.”

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska magaalads Muqdisho iyo guud ahaan horumarinta adeegyada uu bixiyo maamulka Gobolka Banaadir.

Ad

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Arbaco, 28-da May, 2025.

TAARIIKHDA GUDDOOMIYAHA CUSUB

Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab wuxuu dhashay Sanadkii 1972 Degmada War-Sheekh re Gobalka Shabeelaha Dhexe, halkaasoo uu ku bartay barashada Qur’aanka, wuxuuna Tacliinta Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ku qaatay Muqdisho.

- Advertisement -
  • Sanadkii 2002 wuxuu ka qalin Jabiyay Jaamacadda Afrika Ee Caalamiga ah Gaar ahaan Kuliyadda Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka Sudan, Isagoo Ka qaatay  Bachelor Degree.
  • Sanadkii 2016 wuxu ka qalin jebiyay Jaamacadda Umdurmaan Al-islaamiyah, Kuliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, isagoo ka qaatay shahaadada Master Degree Shareecada iyo Qaanuunka.
  • Sidoo kale Ogost 2020 ayuu mar kale qalin jebiyay isagoo shahaahada sare ee PhD ka qaatay  isla Jaamacadda Umdurmaan Al-islaamiya Kullyadda Shareecadda iyo Qaanuunka.

Shaqooyinka uu soo qabtay Guddoomiye Xasan Xuseen Muungaab, waxaa ka mida:

  • Sanadihii 2008 – 2009 -Wuxuu noqday la-taliyaha safaradda Soomaaliyeed Ee dalka Suudaan.
  • 2010 Wuxuu ku biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed, waxaana lagu qaatay Darajada Gaashaanle Dhexe, iyadoo loo magacaabay Garsoore Ka Tirsan Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.
  • Sanadkii 2012 Waxaa loo magacaabay Guddomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed.
  • Isla Sanadkii 2012 ilaa 2014 wuxuu noqday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.
  • Febraayo 2014-ka ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
    Muddadii uu xilka hayay waxaa lagu xusuustaa inuu dib u dhisay, ku shaqeeyay maamulkiisii Xarunta Aqalka dowladda Hoose.
  • 2016 – 2017 oo ahaa xilligii ugu danbeeyay Muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa loo magacabaay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda.

Waa guddoomiyihii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabo xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, waxaana dib u soo laabashada Jeneraal Muungaab loo arkaa inuu Madaxweyne Xasan Sheekh u baahday guddoomiye adag oo xaaladda Gobolka Banaadir wax ka qaban kara sanadka ugu danbeeya muddo xileedkiisa labaad.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON