Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa noqdaymadaxweynihii ugu horeeyay ee ku dhaqaaqa hirgelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee uu wado Madaxweynaha Sooomaliya.
QoorQoor ayaa xalay Dhuusamareeb ka daah furay diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha maamulkiisa, wuxuuna soo dhoweeyay xubnaha Guddiga Doorashada ee halkaasi ka shaqo bilaabay.
“Reer Galmudug haddii aan nahay waxaan soo dhaweeneynaa guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, waxaana ku faraxsanahay inaad diiwaan-gelinta ka billowdaan magaalada Dhuusamareeb, shaqadiina si buuxda u qabsada” ayuu yiri madaxweyne Qoor Qoor oo dhinac kale dhaliiyay Siyaasiyiinta mucaaradka ee ka horjeedo doorashada qof iyo codka ah.
“Doorasho dadban waa xun tahay mida tooska ahna waxbaa ku jira xaggee rabtaa marka oo u socotaa? dadka maxaad u sheegeysaa?” ayuu mar kale yiri Madaxweynaha Galmudug oo tilmaamay go’aanadii kasoo baxay shirkii Mucaaradka ee Muqdisho.
Qoorqoor aya ku dooday in loo baahan yahay in mucaaradku sameystaan xisbi, isla markaana ay qabyb ka noqdaan tartanka, iyaga oo isku kalsoon. “Xisbiyo siyaasadeed furta soo diyaar garooba waxa aad tabasho qabtaana, waa la ’idinkala doodayaa laakiin meel uma socdo, cidna idinka yeeli meyso” ayuu sii raaciyay.