Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa soo rofay amarro ku saabsan dhinaca ammaanka caasimadda, isagoo  caawa warbaahinta la hadlay ayuu qiray inay  jiraan falal aAmni daro oo ka dhacaya magaalada.
Wuxuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir asheegay in la mamnuucay baabuurta Taarko la’aanta ah ee  ku socota magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in laga qaadi doono tallaabo sharci ah, ciddii lagu qabto gaari taarko la’aanta, waxaana loo qabtay muddo 3 maalmood  gudahood in ay ku qaataan taarkada baabuurta aan lahayn.
Amar labaad oo guddoomiye Yuusuf Boorsaani soo rogay ayaa ahaa inay waajib tahay in qof walba uu qaato kaarka aqoonsiga oo lagu bixin doono saddex degmo oo kala ah: Wadajir, Â iyo Degmada Howlwadaag.
Muddo laba jeer ah ayaa inta badan dadka Muqdisho la diiwaan geliyay iyadoo waraaqo kala duwan iyo ID loo sameeyay, tanna waxay noqoneysaa kaarkii saddexaad oo dadka Muqdisho lagu qasbo, iyadoo labadii hore lacag uun lagu qaatay.
Amarradan oo qaarkood wax badan lasoo rogay ayaan weli shaqeyn, waxaana la sugayaa dhaqan gelinta amarrada uu soo cusbooneysiiyay gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Goobjooge.com