Wednesday, June 25, 2025

Aadan Madoobe oo si kulul uga hadlay Qarixii Kuliyada Jaalle Siyaad, Amarna kasoo saaray

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, hadana ah ku-simaha Madaxweynaha Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si kulul uga hadlay qaraxii is-miidaaminta ee shalay ka dhacay Kulliyada Jaalle Siyaad oo ciidamo badan dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

Sheekh Aadan Madoobe oo shir jaraa’id qabtay ayaa cambaareeyay Qaraxa ka dhacay Kuliiyada Jaalle Siyaad, waxaana uu saraakiisha ciidanka faray in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo sida qaraxaasi u dhacay.

“Raggaan inay dalkooda u dhintaan diyaar ayey u ahaayeen niyad xumo lagama qabeen, laakiin iyagoo xeradooda jooga in lasoo dhex galo oo la halaago, wax la aqbali karo maaha, meeshaas mas’uuliyad darro ayaa ka muuqata.

Wuxuu sheegay in wax loo dulqaadan karo aysan ahayn qaraxaasi lagu laayey ciidan Hal guuro ah, wuxuu shaki weyn ka muujiyay denbiilayaal ay caddowga u fududeeyeen qaraxasi, wuxuuna faray saraakiisha inay baaritaan xoog leh ku sameeyaan falkaasi.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa si kulul u sheegay in jawaab lagu qancin karo oo cad laga helo Taliska Milateriga iyo hay’adaha Amniga.

https://fb.watch/l-oIlLH7Ja/

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON