Monday, June 23, 2025

Aag Dagaal oo laga furay Sh/Dhexe iyo Ciidamada oo la wareegay degaano cusub

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in degaano cusub laga qabsaday Alshabaab, kadib markii ay howgal ku dhaqaaqeen ciidamada ku sugnaa aaggaga Raagge-Ceele iyo Balcad.

Ciidamadan oo ay hoggaaminayaan Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe, Xildhibaan Cusmaan Xaadoole iyo Guddoomiyaha Sh/Dhexe Axmed Meyre ayaa la wareegay maanta degaanada kala ah: Bakajeex, Warciise, Warkulan, Gaaleef, Qoordheere iyo Jilableey oo ay hore uga talinayeen Alshabaab.

Alshabaab ayaa banneysay degaandaaasi, mana jiro wax dagaal ah oo ka dhacay, iyadoo wararku sheegayaan inay dib ugu gurteen degmada Aadan Yabaal iyo afarta Tuulo.

Ad

Ciidamo badan oo lagu ururiyay degmada Cadalle ayaan weli wax howlgal ah ku dhaqaaqin, waxaana la sheegay in qoshahoodu yahay in mar kaliya laga dhaqaaqo dhowr jiho oo Gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Sh/Dhexe ka tirsan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON