Waxaa magaalada Muqdisho ka socda qabanqaabada Aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee arrimaha Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo goordhow la filayo in laga soodajiyo garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Guddiga qabanqaabada Aaska Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa qorsheeyay in salaadda Janaasada lagulu tukado Masjidka Isbaheysiga, kadibna lagu aaso Qabuuraha Isbitaalka Madiina, waxaana Garoonka ku sugan guddigii loo xilsaaray Qaban-qaabada aaska qaran ee marxuum Xoosh oo uu gudoomiye u yahay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.
Dhinaca kale Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran, iyadoo la dhigay ciidamo fara badan oo ka tirsan Booliska iyo Milateriga, Ciidamada ayaa xiray dhamaan Isgoysyada Muqdisho, kuwaas, iyagoo Gaadiidka u diiday inay isticmaalaan wadooyinka.
Madaxda dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan aaska Marxuum Xoosh, taasoo keentay in isu socodka dadka uu xayirmo.
TOOS U DAAWO