Taliska Milteriga Soomaaliya ay xaqiijiyay in duqeytii diyaaradaha Mareykanka ku qaadeen degaanak Jeexdin ee duleedka Magaalada Gaalkacyo ay ahayd khalad.
War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Cali Baashi Maxamed ayaa lagu sheegay in duqeyta 27.09.2016 ka dhacday bariga magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka islamarkaana lagu dilay Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya iyo dad shacab ah.

Gen. Cali Baashi wuxuu sheegay in taliska Xoogga Dalka Soomaaliya uu Caddeynayo in dadka ku dhintay duqeyntaasi aysan Xiriir la laheyn Alshabaab, deeganadaasina aysan wax sameyn ah ku lahayn, wixii halkaasi ka dhacayna uu ahaa Shil ku dhacay si qaldan “Dab Saaxiibtinimo”,
“Dab Saaxiibtinimo ayuu ahaa Shilkaasi, Xiriir ayaan kala sameynay ha’yadihii ay quseysay arrintaasi, baaris ayaan ku sameynay, taliskuna wuxuu caddeynayaa in dadkii masaakiinta ahaa iyo ciidamada lagu laayay duqeyntaasi aysan wax lug ah ku laheyn Al-shabaab, deegaankaasina aysan shabaab joogin” ayuu yiri Gen Cali Baashi.
Abaanduulaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu sheegay in shilkaasi uu ahaa mid dhibaato xoog leh ay kasoo gaartay dadka deegaanka uuna sababay qaasaare naf iyo maal intaba, ciidamada waxyeellada ba’an uu gaarayna ay deegaankaasi ka wadeen howlo samafal ah.
Ugu dambeyntii taliska Xoogga dalka ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay is dejiyaan ariintaasina gacanta lagu hayo meelna aysan uga hari doonin, xanuunkana ay la qeybsanayaan ehellada iyo qoysaska dadkii sida xaqdarada ah loogu Xasuuqay Duqeynta ay Mareykanku ka fuliyeen duleedka magaalada Gaalkacyo.
Goobjooge.com