Monday, August 25, 2025

Abaanduullaha Ciidamadda Xoogga oo faahfaahin ka bixiyay Qasaaraha Alshabaab ee dagaalkii Basra

Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa sii kordhiyay howlgalada ka dhanka ah Maleeshiyada Shabaab,gaar ahaan deegaanada kuyaala xadka ay wadaagaan Shabeelooyinka oo ay ku sugan yihiin cutubyo katirsan ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka ka imaanaya deegaanka Basra ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu duleedka deegaankaasi ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo howlgalo waday iyo maleeshiyaad katirsan Arggagixisada Shabaab oo halkaasi ku dhuumaalaysanayay.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal C/llaahi Cali Caanood
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal C/llaahi Cali Caanood

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in 3-ka tirsan Shabaab lagu dilay howlgalkaasi halka 4-kalena looga dhaawacay.

Janaraal Caanood ayaa sheegay in howlgalladaay qeyb ka yihiin gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaab oo la doonayo in guud ahaan laga sifeeyo dalka.

Deegaanada howlgaladaasi ka socda ee kuyaala xadka Shabeelooyinka ayaa dhowr jeer Shabaab waxaa ay dhibaatooyin ay ugu geysteen dad ku safrayay wadadaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON