Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horeyay qirtay in ciidamada Eritrea ay galeen, kana dagaalamen Gobolka Tigray, kadib markii uu maanta ka hadlay Baarlamaanka Itoobiya.
Abiy ayaa xildhibaanada baarlamaanka u sheegay in lala xisaabtami doono ciidamada lagu helo dambiga ah in tacaddiyo ay gesyteen xilligii howlgallada militeri ay ka socdeen gobolka Tigray, wuxuuna sheegay in madaxweynaha Eritrea uu ciidamadiisa kala bixi doono Tigray.
Ciidamada Eritrea ee galay Gobolka Tigray ayuu sabab uga dhigay inay timid markii ay Eritrea ka baqeen inay ciidamada Tigray u gudbaan dalkooda; waxayna arrintan timid iyadoo dhowr bilood ay dowladaha Itoobiya iyo Eritrea beeniyayeen inay ciidamo Eritrean ah ka dagaalameen Tigray.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa qirtay inay tacadiyo iyo falal kufsi ka dhaceen Gobolka Tigray, balse wuxuu ku dooday in la buunbuuniyey. “Askarta lagu helo in uu ka dambeeyay kufsi loo geystay haweenkeena isla markaana dhac u geystay bulshada gobolka waa lala xisaabtami doono” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya
Hadalka Abiy ayaa imaanaya maalmo uun kadib markii Qaramada Midoobey ay sheegtay in Itoobiya ay ogolaatay in si wadajir ah baaritaano loogu sameeyo eedeymaha ah in tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay ka dhaceen gobolka Tigray.
Mareykanka wuxuu ku tilmaamay colaadda Tigray isir sifeyn. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa hadda wajaha weji gabax ah inuu dalkiisa kusoo hoggaamiyey ciidamo ajnabi ah, una adeegsaday inay gumaadaan dadkiisa.
