Abwaan C/llaahi Xersi Baarleex oo ka mida hal-abuurka iyo suugaanleyda Soomaliyeed ayaa maanta ku geeriyooday dalka India.
Abwaanka oo muddo ku xanuunsanayey magaalada Hargeysa ayaa kadib u soo wareegay magaalada Muqdisho oo taageero caafimaad uu ka helay madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana loo diray dalka Turkiga, kadibna ku danbeeyay India si loogu soo daweeyo.
C/llaahi Baarleex ayaa galabta ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Magaalada Hyderabad ee dalka India, wuxuu ka xanuunsanayey Wadnaha, iyadoo maamulka Hargeysa uu ka waayey wax taageero ah, taasoo keentay inuu Muqdisho u wareego.
Abwaanka ayaa ka mid ahaa suugaanleyda sida weyn ugu caan baxday cayaaraha Hidaha iyo Dhaqanka iyo hal-abuurka kale.