Fariin cajiiba oo uu xabsiga kasoo dhex diray Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid oo ku xiran Hargeysa
__________________________________________
Ma itaqaanaa? si fiican ii eeg? yaan kula ekahay?
Waxaan ahay somaalilander waxan ku jiraa xabsi, mudo ayaan xidhanahay.
Sababta la’ii xidhay ma mooganid, waad taqaanaa, haddana waan kuu sheegayaa.
Waxa lay xidhay maxaad ugu gabayday dhacdadii ka dhacday france?
Maxaad u taageertay dadkii gaalada ka aarsaday?
Ma joogo dal gaalo, ma ihi faransiis, ku darsoo dadka ixidhay cid ku amartay ma jirto in lay xidho, waxay igu doonanayaan waji. Maxkamad layma gayn imana geynayaan oo sharci ay igu xukumaan oo aan jebiyay ma jirto mana garanayaan waxaan ahaa muwaadin fikirkiisa gabay ku cabiray cid maan dilin qof muwaadin ah waxba uma geysan cid wax haloo geysto ma lihi muslin iyo gaalba laakiin xaqdarada dulmiga gardarada cidna haka yeelina uun baan idhi
Waxan ahay abwaan wadani ah, waxaan ku magac dheerahay gamadiid.
Magaceygo dhameystirana waa, Cabdiwaaxid Cali Gamadiid.
France dad jooga ayaa aflagaadeeyay subanaheeena muxamad CSW,
Cid xidhay ma jirto kuwaa nebi maxamed SCW aflagaadeeyay xadhig iska daaye dawlada france lamay hadlin. Manay odhan maxaad aflagaadadaa u samayseen
Waxaan filayaa inaad I aqoonsatay, inaad I fahantay
Haddaba waan xidhanahay, majirto cid xadhigaygaa xaqdarada ah ka hadashay waxaan ahay muwaadin dalkiisii lagu bahdliyo oo cid loo cabiidinayo dhalinyaradii wey I ilaaween, Anigu dhalinyaraan ahay, waxaan idinka codsanayaa inaad ii kacdaan, abwaan muslim ah baan ahay, soomaalina waan ahay, dadka I xidhayna waa xigaalkeey, has ayeeshee caqliga xigaal kama aha.
Gunaanadkii, Anigu ma ihi xagjir.