Tuesday, July 1, 2025

Abwaan Guure oo kashifay Hees uu Farmaajo Lacag ku bixiyey markii muddo kororsiga sameystay

Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure ayaa kashifay Hees loo qaaday Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo xilligii uu muddo kororsiga sameeyay, taasoo ay ka muuqdeen inuu xoog wax ku maquuninayo.

Isagoo ka hadlyey shir jaraa’id oo ay Golaha Abwaannada ku taageereen Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo xilka ka qaaday agaasimihii NISA Fahad Yaasiin Xaaji ayuu sheegay inuu heesta sameeyay nin uu magaciisa ka gaabsaday, balse qaswade ah.

Heesta Farmaajo lacagta badan ku bixiyey ee loo qaaday, lana duubay, balse la baahin waayey markii dagaal hubeysan Muqdisho ka dhacay oo la fashiliyey Muddo kororsigii Farmaajo ayuu Abwaan Guure eregydeeda ka xusay:

Waxay dooddayadu tahay

Dowlad baanu leenahay

Difaaca way ka adag tahay

La diyaari xooggii,

Libaaxa loogu magac daray

Guutooyinkii Danab,

Gorgor Duulayaa jira

Duufaanna waa yimid

Ninkii doonayow samir

Haddii kale in lagu dilo u diyaar garow

Cusmaan C/llaahi Guure ayaa is weydiiyey ninka ku haminay inuu 30 sano ka hor in la dilo qofkii hoggaanka dooneysa sida uu dalkan ku hogaamin karo. Wuxuu ku taliyey in la nadiifiyo Hay’adda NISA oo uu sheegay inay shabaab badan ku dhex jiraan.

Heestan dib loola noqdo ayaa la ogaaday inuu sameeyay Agaasimaha Tiyaatarka ee xilligan Abwaan C/qaadir Cabdi Shube

HOOS KA DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON