Saturday, June 28, 2025

Abwaanad Naciima Qorane oo Xabsi 3 sano ah lagu xukumay & Qareenkeeda oo Rafcaan ka qaatay [Akhriso]

Magaalada Hargeysa, maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta ku ridday xukun ah saddex sano oo xabsi ah abwaanad Naciima Axmed Ibraahim oo tan iyo 27-kii Janaayo ee sanadkan ku xirneyd magaalada Hargeysa.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in lagu helay Naciima denbi lagu tilmaamay inay hadallo cay, iyo cambaareyn oo waxyeello ku ah Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland jeedisay iyadoo markaa ku sugneyd muqdisho.

Gudoomiyaha xarunta xuquuqal insaanka ee Hargeysa Guuleed Dalfac ayaa sheegay in qareennada difaacayay Abwaanad Naciima Axmed Ibraahim uu sheegay inay rafcaan ka qaateen xukunkan.

Gudoomiye Guuleed waxa uu kaloo sheegay in xarunta xuquuqal insaanka ee Hargeysa ay cambaareyneyso xukunkan oo ah mid ka hor imanaya xorriyada qofka ee hadalka.

Bilowgii bishii hore ayey aheyd markii mas’uuliyiinta Somaliland, ay dacwad rasmi ah ku soo oogeen Naciima Axmed Ibraahim, taas oo ay ku eedeeyeen inay faafisay hadallo ay kaga been sheegayso jiritaanka Somaliland.

Xarigga Naciima ee dabayaaqadii bishii Janaayo ayaa yimid kaddib markii ay ka soo noqotey safar ay ku tagtay magaalada Muqdisho, oo ay kaga qeyb gashey barnaamij ay qabaneysay warbaahinta TEDx.

Gabyaaga ayaa aheyd qof aan ka gaban doonitaankeeda midnimada Soomaaliya, taasoo ay ku muujisay qoraalo ay galisay baraha bulshada kuwada xiriirto ee Facebook-ga, iyo xafladaha la isugu yimaado.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON