Monday, July 14, 2025

Adan Barre Ducale: “Waxaan ahay Somali reer Kenya mowqifkeyguna waa in Somalia aysan qaadan karin Badda Kenya”

Aadan Barre Ducaale oo ah hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka iyo siyaasiga Soomaalida Waqooyiga Barri ee xilka ugu sareeya ka haya Kenya una dhow madaxweyanha Kenya shaaciyey mowqifkiisa ku aaddan khilaafka xuduudka Badda ee Kenya iyo Somalia.

Aadan Barre oo laga soo doorto degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ayaa yiri: “Nin Soomaali ah baan ahay laakiin waxaan ahay Soomaali reer Kenya ah, waxaan ahay waddani qeyb ka ah dowladda Kenya, mowqifkeyguna waa in dhulka ama badda ay Kenya leedahay uusan qof kale qaadan karin, ha ahaato Soomaaliya, Tanzania ama waddan kaleba”

Wuxuu sheegay inuu jeclaan alhaa sidii khilaafkaas loogu dhammeyn lahaa hannaan diblomaasiyadeed oo ay nabad ku dheehan tahay, wuxuuse si cad u sheegay in xalka uusan ahayn mid ku fiican in maxkamad loo raadiyo ee ay ahayd in labada dal ay xalistaan.

“Maadaama annaga iyo walaalaheenna Soomaaliya uu naga dhaxeeyo xiriir dheer oo ah xagga dowladda iyo xagga shacabkaba, mar walba waxaan dhihi lahaa khilaafkaas waa in lagu xalliyo si wanaagsan, oo labada dowladoodna ay arrinta hoos u dhigaan, maxkamadaha iyo buuqa kalena waa laga fiican yahay, sababtoo ah Soomaalidu waxay dhahaan labada qof ee walaalaha ah khilaafkooda inuu dariska ogaado xitaa looma baahna”, ayuu yiri Aadan Barre oo BBC-da u wararmay

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in isagu shakhsi ahaan uu dadaal ugu bixinayo, kana shaqeynayo sidii arrintaas loo soo afjari lahaa, madaxweynaha Kenyana uu diyaar u yahay in uu is afgarad dhex maro labada dowladood.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON