Su’aalo badan ayaa ka dhashay socdaalka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ku joogo magaalada Kismaayo , kasoo yimid xilli labada dhinac uu khilaaf muddo soo jiray ka dhaxeeyay.
Booqashada Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa u gogol xaaray heshiis hoose oo labada dhinac ku dhex maray dalka Kenya, kadib markii khilaafka madaxda dowladda Somalia iyo Axmed Madoobe ay ku soo baxeen dhinacyo ay dowladda Kenya ka mid tahay.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa dhaliilay socdaalka Ra’iisal wasaaraha, waxaana soo shaac baxday loolanka siyaasadeed ee u dhaxeeya beelaha dega Gobollada Jubbooyinka xilli ay soo dhowdahay doorashada madaxweynaha maamulkaasi 5 bilood ay naga xigto.
Su’aalaha ugu waaweyn ee socdaalka Ra’iisal Wasaare Kheyre dhaliyey waxaa ka mida:
Qababqaabada Booqashada
Sida loo qabanqaabiyey doorashada waxay ahayd mid aan hore loo arag, waxaana xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre uu magaalada Kismaayo u diray wafdi hordhac ah, ciidamo ilaalo ah iyo saxafiyiin Muqdisho laga qaaday, iyadoo muuqaallada tegista Kheyre ee Kismaayo lagu tebiyey Drone.
Qaabka soo dhoweynta iyo sida maamulka Axmed Madoobe u diyaariyey waxay iyaduna ahayd mid ka weyn soo dhoweyn mas’uul booqanaya Kismaayo oo su’aal la iska weydiiyey, maxaa yeelay waxaa hor Kismaayo u tegay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre laftiisa, iyadoo aan loo sameyn wixii halkaas ka dhacay oo kale.

Muuqaalladda Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Axmed Madoobe oo lagu xardhay wadooyinka magaalada Kismaayo waxay arrinta u ekeysiisay mid shaki geliyay mucaaradka ka hor muxaafidka labada dhinac oo si weyn ugu mashquulay booqashadan.
Heshiiska Qarsoodiga ah
Waxaa in muddo ah la hadal hayey heshiis qarsoodi ah oo dhex maray Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda Somalia, kaasoo uu kasoo shaqeeyay ku-simaha agaasime Hay’adda NISA ee Fahad Yaasiin wadahadallo ka dhacay dalka Kenya, waxaana taasi u markhaati kacaya in soo dhoweynta iyo marxabeynta loo sameeyay Kheyre aysan arrrimuhu ka bilaaban 11-ka Maarso.
Heshiiska oo saameyn weyn ku yeelan doona dowladda Federaalka iyo xiriirka ay la leedahay Maamul Goboleedyada ay dagaalka kula jirtay, wuxuu haddana soo shaac bixiyey mucaaradnimo xoog leh oo ay ka hor keeneen taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo oo hab beeleed u diidan iyo siyaasiyiin kale oo ku kacsanaa Axmed Madoobe.
Heshiis dhex mara Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda Somalia, wuxuu wax ka bedeli doonaa qorshihii dagaalka ku dhisnaa ee dowladda Farmaajo iyo Kheyre kula dhaqmayeen maamul Goboleedyada, laakiin wuxuu dhinaca kale ku furi doonaa mucaarado cusub, balse ka dhib yar tii Axmed Madoobe.
Mustabqalka Axmed madoobe
Axmed Madoobe oo taageero ka heysta dowladda Kenya iyo odayaasha beesha uu kasoo jeedo ee ku dhaqan dalka Kenya, wuxuu gacan adag oo bir ah ku hayaa maamulka aan Kismaayo dhaafin ee Jubbaland, wuxuuna mar kale doonayaa in loo doorto madaxweynaha maamulkaasi oo xilkiisu dhammaanyo Ogost 2019.

Madaxda Dowladda Somalia ayaa xaqiiqsatay inuusan Axmed Madoobe la mid ahayn Shariif Xasan iyo Axmed Ducaale Xaaf, isla markaana uu awood u leeyahay inuu qabsado doorasho uu mar kale ku soo baxo, Waxaana shakigu yahay inay madaxda dowladda Federaalka sidaasi ku aqbaleen inuu Axmed Madoobe madaxweyne sii ahaado, mar kalena dib loogu doorto, iyadoo su’aasha taagan ay tahay waxa ay kaga bedelatay oo aan ka ahayn nabad iyo murtidii ahayd ‘Gacantii aadan goyn karin waa la dhunkadaa”.
Ololaha doorashada 2020
Safarka Kheyre ee Kismaayo wuxuu sii xoojiyey su’aalihii iyo shakigii muddooyinkii danbe soo dhex galay taageerayaasha N&N oo ahaa in Ra’iisal wasaaraha uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha, taasoo noqotay dood muddo ka shidneyd baraha bulshada.

Warkii ka soo fakaday Axmed Madoobe xilligii soo dhoweynta, isagoo Kheyre ugu yeeray ‘Madaxweyne’ wuxuu noqday mid shakigii jiray uga sii daray, waxaana soo dhoweynta iyo sida loo tebiyey ay dad badan ku fasireen in la galay ololaha doorashada 2021 oo laba sano ka harsan tahay.