Thursday, July 31, 2025

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere oo War kasoo saaray Weerarkii Gaalkacyo & Baaq ku socda…

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud (Cali Dheere) ayaa ka hadlay weerar qaraxyo ku bilowday oo saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo lagu beegsaday xarunta Wadaad lagu magacaabi jiray C/weli Sheekh Cilmi Yare.

Sheekh Cali Dheere oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta Alshabaab ayaa sheegay in ciidamada Alshabaab ka takhaluseen nin uu sheegay inuu gaaloobay oo u gefay Nebi Muxamed, isla markaana ay tallaabo ka qaadeen oo umadda muslimiinta ay dhaafiyeen sida uu yiri.

Sheekh Cali Dheere ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in reer Gaalkacyo dhexdooda lagu aflagaadeeyo Rasuulka SCW, wuxuuna uga baaqay dadka magaaladaasi inaysan mar kale dhicin arrintaasi oo kale.

Alshabaab ayaa saaka weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday xerada Wadaadka, iyadoo markii danbe ay weerar ku galeen xerada maleeshiyo muddo saacad ka badan ku dhex dagaalameysay xerada, iyadoo lagu dilay Wadaadka iyo 20 qof oo kale dad ku dhow.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON