Monday, June 23, 2025

Afhayeenka Cusub ee Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo Muqdisho lagu caleemo saaray [Sawirro]

Afhayeenka cusub ee Golaha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa maanta lagu caleemo saaray magaalada Muqdisho oo ay ka dhacday xaflad weyn oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha bulshada.

Waxaa Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye loo caleemo saaray Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye Cali oo uu dhalay Nabadoonkii caanka ahaa ee Nabadoon Axmed Diiriye oo horaantii sanadkan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Waxaa xafladda caleemo saarka kasoo qeybgalay Odayaal, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiin,  Culimo, aqoonyahanno, waxaana halkaasi ka hadlay xubno ay ka mid ahaayeen Senator Cabdi dhuxulow Dhegdheer, wasiiru dowlaha howlaha guud Axmed Cabdi Kaahiye (Qoorqoor), Salaad Cali Jeele, Yuusuf Xuseen Jimcaale, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab,  Cadde Gaabow iyo xubno kale oo soo dhoweeyay afhayeenka.

Ad

Nabadoonka cusub ayaa qaban doono xilka Afhayeen ee odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, kaasoo la sameeyay 10 sano ka hor markii ciidamada Itoobiya qabsadeen Koonfurta Soomaaliya, balse hadda noqday xil dhaqameed la iska dhaxlo.

Image may contain: 5 people, people sitting

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON