Sunday, July 13, 2025

Afhayeenkii Alshabaab ee la sheegay in la dilay oo Guul ka sheegtay Dagaalkii Yasooman

Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage oo dhowaan ciidamada dowlada ay sheegeen inuu u dhintay dhawac kasoo gaaray dagaallada Hiiraan ayaa soo hadlay, isagoo guulo ka sheeganaya dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay deegaanada Yasooman iyo Beera-Yabaal ee degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.

Cali Dheere ayaa cod laga soo duubay ku sheegtay in askar ka badan 100 ay ku dileen dagaalkii maanta, ayna kala wareegeen Hub iyo Gaadiid dagaal oo qaarkood dowladda Turkiga siisay ciidamada Soomaaliya, isagoo u goodiyey beelaha Soomaalida.

Hanjabadda Afhayeenka Alshabaab ee ah inay beegsanyaan cid kasta oo ka qeyb qaadata dagaalka looga horjeedo ee ka socda Gobollada dalka ayaa yimid iyadoo Idaacadda ciidamada dowladda ay shaacisay inuu dhaawac soo gaaray u dhintay Cali Dheere.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON