Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xayiraad lagu soo rogay afhayeenkii maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane.
Afhayeenka oo sidoo kale ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada NISA ayaa la sheegay in lagu amray inuusan gurigiisa kasoo bixi karin, waxaana uu saxafiyiinta u xaqiijiyey inuu xabsi guri ku jiro.
Sababta xayiraadda loogu soo rogay afhayeenka Maamulka G/Banaadir ayaa la sheegay inay salka ku heyso War-saxaafadeedkii uu ka akhriyay xarunta gobolka Banaadir oo ku saabsanaa in laba sano la doortay guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.
Warar kale ayaa sheegaya in xubno ka mida maamulka gobolka oo ay ku jiraan guddoomiyeyaal degmo la qorsheeyay in xilka laga qaado.