Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya C/casiis Ibraahim Xildhibaan ayaa lafa soo celiyay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland, halkaasoo uu maanta ka degay.
C/casiis Xildhibaan ayaa baraha bulshada soo dhigay isagoo ku sugan Garoonka magaalada Hargeysa, isagoo kadibna loo diiday inuu magaalada galo, markii la weydiiyey inuu Ajnabi yahay oo Baasaboor la yimaado, taasoo keentay in dib loogu soo celiyo diyaarad ku socotay magaalada Muqdisho.
“HARGEYSA:- Lagu XIDHI MAAYO, Laakiin waanu ku MASAAFURINEYNAA, anna waa oggolaaday hee… Good bye Hargeysa BACK TO MOGADISHU. PAPARAZZI aan sharci laheyn waa soo galayaan Hargeysa adigoo Soomaali ahna waa kuu diideynaa HADAL maaha..” ayuu bartiisa FB ku soo qoray afhayeenkii hore ee Wasaaradda Amniga oo maamulka Hargeysa ay u sheegeen inay u masaafurinayaan magaalada Muqdisho.
C/casiis Xildhibaan oo dhowaan iska casilay xilka afhayeenka wasaaradda Amniga, ayaa kadib tegay magaalada Garowe oo uu muddo ku sugnaa, laakiin waxaa u suurageli weyday inuu tago maanta magaalada Hargeysa.
Qoraal hore oo uu saaka baraha bulshada soo dhigay ayuu ugu sii digay reer Hargeysa inuu ku sii jeedo magaalada Hargeysa, isagoo qoraalkaasi ku sheeegay ereyo lid ku ah maamulka Domaliland, taasoo loo arkay inuu ahaa nin dhibaaro raadis ah.
HOOS KA AKHRI QORAALKAASI
“HARGEYSA:- Garoonka diyaaradaha ee AUN “MHI” Egal International Airport ee magaalada Hargeysa ayaan tagayaa saakay Somaliland ee dhulka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka dib martiqaad aan ka helay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan W/Galbeed..”