Thursday, July 3, 2025

Agaasimaha Isbitaalka Ciidamada Xoogga Dalka oo lagu dhaawacay Qarax lala beegsaday Gaarigeeda

Agaasimaha Isbitaalka Xoogga dalka ayaa ku dhaawacantay Qarax miino oo lala beegsaday Gaari ay la socotay oo saaka marayey agagaarka Isgoyska Trebunka, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Isbitaalka Xoogga Khadiijo Iimaan Caynte iyo Darawalkii Gaarigaasi oo lagu magacaabo Aadan Yare ayaa dhaawac kasoo gaaray qaraxa Miinada, iyadoo qasaare soo gaaray nooca Toyota HILUX oo ay la socdeen xilli ay marayeen meel ku dhow Carwadii hore ee Taleex, degmada Hodon.

Ciidamada Amniga ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, iyadoo halkaasi laga qaaday dadkii dhaawaca ahaa, waxaana dhaawaca lagu sheegay inuu ahaa mid heer dhexe ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON