Saturday, July 5, 2025

Agaasime cusub oo loo magacaabay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaliya

Wasiirka Amniga Gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa u agaasime ku meelgaarka ah oo cusub u magacabaay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Amniga ayaa Agaasimaha ku meelgaarka ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha loogu magacabaay Axmed Siciid Maxamed oo ay isku beel yihiin Agaasimihii hore.

Agaasimaha cusub ayaa ka mid ahaa maamulka Maaliyadda ee Jaamacadda SIMAD, waana markii ugu horeysay ee uu xil dowladeed qabto, iyadoo hay’adda loo magacaabay ay leedahay agaasimi ku xigeenada ugu badan ee hay’adaha dowladda Federaalka.

Axmed Siciid ayaa iskla maanta si toos ah u bilaabay shaqada xilka loo magacaabay, iyadoo Agaasimihii hore uu ka mid ahaa mas’uuliyiin ay xeer illaalinta ku eedaysay lunsasho xatooyo xoolo dadweyne, tasoo keentay inuu is casilo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON