Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay xilkiisii ugu horeeyay kadib markii xilkaasi loo dhaariyay.
Agaasimaha cusub ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa la magacaabay iyadoo uu xilka banneeyay agaasimihii hore ee Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Agaasimaha loo magacaabay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu magacaabaa Maxamed Keynaan, wuxuuna hore u ahaa afhayeenkii Guddiga Doorashada dadban heer federaal ee Soomaaliya.
Magacaabiddan waxaa xaqiijiyay agaasimihii hore C/salaan Salwe oo sheegay inuu xilka ka tegay, isla markii loo magacaabay agaasime cusub, sida uu ku qoray boggiisa FB.
Xilkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu soo magacaabo Ra’iisal wasaare Kheyre oo laga sugayo magacaabidda Golaha wasiirada xukuumadiisa cusub.
Goobjooge.com