Sunday, July 13, 2025

Agaasime ku-xigeen cusub oo loo magacaabay Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha [Heshiis hoose oo…]

Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale), ayaa magacaabay Agaasime ku-xigeen cusub oo ay yeelaneyso Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday Wasiirka Amniga ayaa Xasan C/qaadir Maxamed loogu magacaabay Agaasime ku-xigeenka guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, isagoo noqon doona Ku-xigeenkii lixaad oo ay yeelato hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in magacaabistan mas’uulkan ay qeyb ka eheyd heshiis hoose dhex maray Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh iyo madaxweyne Farmaajo, kaasoo si hoose loogu xaliyey Mooshinkii laga keenay madaxweyne Farmaajo.

Madaxda sare ee dowladda Somalia ayaa xilal iyo dhaqaale ku xaliya dhibaatooyinka siyaasadeed ee soo wajaha, iyadoo heshiisyo hoose lagu kala qeybsado xilalka iyo dhaqaalaha dowladda ee loo adeegsado furdaaminta siyaasadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON