Koox hubeysan ayaa dil ku fulisay guddoomiye Waaxeed ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Dilka oo ay geysteen rag bistoolado watay aya ka dhacay Xaafadda Suuq bacaad ee degmada Yaaqshiid, iyadoo goobta lagu dilay Gudoomiye Waaxeedka ka mid ahaa kuwa degmadaasi.
Kooxda dilka geysatay ayaa degdeg uga baxsaday gooba oo markii danbe ay soo gaareen ciidamada ammaanka oo aanay u suuragelin inay gacanta ku soo dhigaan dableydaasi.
Suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ayaa xaalad ammaandarro ah iyo dilal qorsheysan soo wajaheen muddooyinkii danbe, isagoo ka mid ahaa goobaha ugu nabdoon magaalada.