Sunday, June 22, 2025

Agaasimeyaashii Wasaaradda Shaqada oo lagu waayey Kiiskii Musuqa iyo Shaqaale la xukumay

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqday xukunka Kiis musuqmaasuq ah oo ay ku eedeysnaayeen Agaasimeyaashii Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay sii daysay markii denbi lagu waayey, balse ay rafcaan ka qaateen Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa ka tanaasushay dacwadii lidka ku ahayd Agaasimeyaasha qeybta ugu weyneyd ee Musuqmaasuq, waxayna ku eedeysay Qodobka 282 ee xeerka ciqaabta oo ku saabsan inay soo gudbin waayeen xogta denbi ka dhacay qeybtii ay mas’uulka ka ahaayeen, taasoo ay Maxkamaddu sheegtay in caddeyn loo waayey.

Maxkamadda Rafacaanka waxay dhawaaqday inay eedeysanayaasha Cabdullahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo ahaa agaasimeyaashii hore ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ku waysay eedii Xafiiska xeer ilaalinta, taasoo ay ku raacday xukunkii Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Ad

Dhinaca kale, Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa 3sano oo xabsi ah ku xukuntay eedeysane Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

C/waaxid Muxsin oo ay hore u sii deysay Maxkamadda Gobolka, balse Xeer ilaalintu ka qaadatay rafcaan kuna soo eedeysay Qodobka 241 ee lunsashada Hanti Dadweyne ayey Maxkamadda Rafcaanka ku heshay qodobkaasi.

Maxkamadda waxay arrintan u cuskatay in muddo Afar jeer lacag ay dowladdu leedahay lagu shubay Koontada C/waaxid, ayna ka difaaci waayeen Qareenadiisa, waxayna ku heshay dembiga iyadoo Maxkamadda Rafcaanka ku xukuntay 3 sano oo xarig ah, isagoo maqane ah.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON