Sunday, July 13, 2025

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada oo wareejiyey Deyn lagu yeeshay dowladii Farmaajo

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Ciise oo xalay xilka wareejiyey ayaa sheegay inuu wareejiy Deyn lagu lahaa Madaxtooyada iyo shaqaale si dadban ula shaqeyneyay iyo waliba qaar is-xilqaan ah.

Waxaa xilka la wareegay agaasimaha cusub Xuseen Sheekh Maxamuud ee uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana xafladda oo xalay ka dhacday xarunta Madaxtooyada ku sugnaa shaqaalaha iyo agaasimeyaashii hore ee Farmaajo la shaqeynayey.

“Liiska aan wareejinayo waxaa ka mida shaqaalaha Madaxtooyada, Liiska deyn kooban oo Madaxtooyada lagu leeyahay.. Shaqaalaha is-xilqaan oo ka tirsan madaxtooyada, Liiska hantida Madaxtooyada, Shaqaale raacay madaxweynaha oo u shaqeyn doona si dadban iyo Ciidan ilaalo ah oo raacay Madaxweynihii hore oo ka tirsanaan doona madaxtooyada..” ayuu yiri agaasimaha xika wareejiyey.

Lama faahfaahin deynta kooban ee lagu leeyahay Madaxtooyada iyo sida lagu halay, sidoo kale wax faahfaahin ah lagama bixin shaqaalaha dadban iyo kuwa is-xilqaan ee xilligii Farmaajo la qoray, waxaase la filayaa in dib u habeyn lagu sameeyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON