Thursday, June 26, 2025

Agaasimihii hore ee wasaaradda warfaafinta oo ka badbaaday qarax gaariga loogu xiray

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in agaasimihii laga eryay Wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Yuusuf Bahlaawi ayaa ka badbaaday qarax la sheegay in gaariga loogu xiray, balse kasoo gaaray dhaawac.

Qaraxaan oo ka dhacay xili gaariga ku sugnaa agagaarka Taleex ee degmada Hodan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo qof kale oo dhaawacyo kala duwan qaba, waxaana la sheegay in ciidamo ka socda laamaha amniga iyo kuwa miina baarista ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay.

C/risaaq Bahlaawi ayaa dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxa, waxaana xilka ka qaaday wasiirka warfaafinta C/raxmaan Yariisow, kadib markii ay kusoo baxday xisaab xil ma leh iyo masuqmaasuq shaqaalaha ku eedeeyeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON