Alshabaab ayaa saxaafadda usoo bandhigtay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Hirshabeelle oo isu dhiibay Alshabaab, isagoo wareysi lala yeeshay ku sheegay inuu isagu doortay inuu isaga tago Hirshabeelle.
Agaasimihii Madaxtooyada Hirshabeelle ee magaalada Jowhar Xasan Cumar Axmed [Xasan Mahdi] ayaa sheegay inuu ogaaday inuu ku jiray Riddo iyo Gaalnimo, kana towbad keenay wixii uu ku jiray, sida uu yiri wuxuuna Warbaahinta Alshabaab inuu aad ugu faraxsan yahay, si aad u fiicanna loogu soo dhoweeyay degaanada Alshabaab.
Xasan Mahdi ayaa hore isaga casilay xilka Agaasimaha Madaxtooyada Hirshabeelle saddex bilood kadib markii uu xilkaasi u magcaabay Madaxweynaha Hirshabeelle aasime madaxtooyo u ahaa Max’med Cabdi Waare oo ah madaxweynaha maamulka isku magacaabay ‘Hirshabelle’.
Mas’uulkan isdhiibay ayaa xaqiijiyay in uu isaga baxay siyaasadda ku dhisan shisheeye la shaqeynta ee ay ku dhaqmaan maamullada ka jira Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Maamulka Hirshabeelle ayaa beeniyey in Xasan Cumar Axmed “Xasan Mahdi” uu ahaa Agaasimaha Madaxtooyada DG HirShabeelle, waxayna sheegtay in xilkaas laga qaaday 14 Bilood ka hor.


