Dabley hubaysan oon heybtooda la garan ayaa caawa xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacayo ku dilay Agaasimihii Wasaarada Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ee Gobalka Mudug Cabdillaahi Maxamed Faarax.
Dilkan ayaa yimid kadib markii dabley hubeysan ay weerareen xilli uu ku sii socday hoygiisa, waxaana soo gaaray dhaawac culus, isagoo ku geeriyooday Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.
Falkan ayaa ka mida dilal qorsheysan oo muddooyinkii ugu danbeeyay si is dabajooga uga dhacayay Magaalada Gaalkacayo, iyadoo ay ugu danbeysay Gudoomiyihii haweenka Gobolka Mudug Dhudi Yuusuf Aadan.
Goobjooge.com